Maxkamadda oo hor istaagtay in TSC ay soo afjarto heshiis kala dhexeyay KNUT

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa hakisay qorsho guddiga adeegga barayaasha wadanka ee TSC uu ku doonayay inuu meesha uga saaro heshiis soo jiray in ka badan 50 sano oo kala dhexeyay ururka qaran ee macallimiinta KNUT.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqday garsoore Maureen Onyango oo sheegtay in arrinta ay TSC damacsaneyd inaan lagu sii tallaaba qaadi karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo dhageysiga dacwad loogaga soo horjeedo.
Ururka qaran ee KNUT ayaa dacwad ka gudbiyay madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia iyo guddiga ay hoggaamiso.
4-tii bishan ayay ahayd markii guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu soo saaray qoraal ah inuunan sii jiri doonin heshiiskii 51 sano ka hor uu la saxiixday KNUT.
TSC ayaa ku doodaysa in ururka KNUT aynan xubno ka ahayn aqlabiyadda barayaasha u diiwaangashan dowladda sidaasi awgeedna aynan suurtagal ahayn in loo sii aqoonsado urur macallimiin .
Labada dhinac ayaa waxaa in muddo ah ka dhex jiray muran xooggan oo ku saabsan arrimaha shaqaalaysiinta iyo daryeelka barayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here