Maxkamadda oo hor istaagtay tallaabo lagu soo magacaabay ku xigeenka maamulaha jaamacadda Nairobi

Maxkamadda shaqaalaha ayaa hakisay dhaqangelinta magacaabid uu dhawaan sameeyay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.
Magoha ayaa xilka ku xigeenka maamulaha jaamacadda Nairobi u soo magacaabay Prof. Isaac Mbeche taasoo muran ka dhashay awgeed hadda la hor istaagay in lagu sii tallaaba qaado.
Garsoore Maureen Onyango ayaa sido kale hakisay go’aanka Magoha uu kaga laabtay magacaabidii hore ee Prof .Stephen Kiama.
Amarka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii uu dacwad gudbiyay Prof .Kiama oo uu matalayo qareen lagu magacaabo Fred Ngatia .
Fred Ngatia ayaa ku dooday in wasiir Magoha uunan awood dastuuri ah u lahayn inuu waxba kama jiraan ka soo qaado magacaabidda Kiama
Amarka maxkamadda ayaa shaqeynaya ilaa 5-ta bisha labaad ee sannadkan xilligaas oo dacwaddan mar kale la soo qaadi doono.
Shalay ayay ahayd markii Golaha sare ee jaamacadda Nairobi uu soo dhaweeyay taageerana u muujiyay Prof. Issac Meroka Mbeche oo wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu u soo magacaabay inuu noqdo ku xigeenka maamulaha jaamacaddaas.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale uu weli muran ka taagan yahay hoggaanka xaruntaasi.
Prof. Stephen Kiama oo maalmo ka hor la soo magacaabay ayaa weli ku adkeysanaya inuu xilka hayao in kastoo Magoha uu magacaabiddiisa meesha ka saaray.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in shalay loo diiday inuu galo xafiiska maamule ku xigeenka jaamacadda .
Prof. Mbeche ayaa dhankiisa shaqada loo igmaday billaabay isagoo la kulmay mas’uuliyiinta ardayda iyo dhammaan dhinacyada daneeya ama ay si gaar ah u khuseyso howlaha waxbarasho ee jaamacadda Nairobi.
Sido kale xoghayaha guud ee ururka ardayda jaamacadda, Gideon Majiwa ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday wasiirka tacliinta ee dalka
Mr. Majiwa ayaa xusay in loo baahan yahay in waqti iyo wadatashi dheer la geliyo geedisocodka dastuuriga ee loo maro magacaabidda ku xigeenka maamulaha jaamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here