Maxkamadda oo ka hor imatay in Babu Owino uu lacagaha isbitaalka ka bixiyo ninkii uu toogtay

Maxkamadda sare ayaa ka hor imaatay go’aankii hore ee maxkamada racfaanka kaas oo ahaa in xildhibaanka Bariga Embakasi ee magaalada Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino uu bixiyo dhamaan kharashaadka ku baxaya daweeynta nin uu toogtay kaas oo ka shaqeeynayay goob baar ah.
Garsoore Luka Kimaru ayaa sheegay in go’aanka maxkamada ee ahaa in uu lacagaha isbitaalka bixiyo Mr. Babu Owino uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Waxaa uu xusay in go’aanka la gaari karo hadii eedeysanaha lagu helo dambiga lagu soo oogay.
Xildhibaan Babu Owino ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Sido kale garsooraha ayaa hoos u dhigay lacagtii dhamaanada ahayd ila iyo 5 milyan taas oo horey loogu xukumay in uu bixiyo 10 milyan oo shilin.
Mr. Kimaru ayaa xusay in lacagaha isbitaalka aan lagu bixin Karin amar maxkamadeed balse ay suurtagal tahay hadii uu si iskiisa ah u caawiyo.
Babu Owino ayaa ninkan toogtay 17-kii bishii Jannaayo ee sannadkan.
Ninkan la toogtay ayaa kamid ahaa hawlwadeenada goob lagu caweeyo oo loo yaqaano club-B oo ku taala magaaladatan Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here