Maxkamadda oo Kordhisay Mudada uu Shaqeynayo Amarka Dowladda looga hor Istaagay Mashruuca Dhanka Guriyaha

Maxkamadda sare ee dalka ayaa  go’aan ay soo saartay ku sheegtay in  dowladda dhexe aynan musharaadka shaqaalaha ka dhimi Karin  boqolkiiba 1.5 ka hor  27-ka bishan  shanaad ee May.

Wasaaradda  guriyeynta ayaa horay u sheegtay  in  lacagaha ay mushaar ahaan qaataan  shaqaalaha kala duwan  la saarayo canshuur ah boqolkiiba  1.5   si  dhaqaalaha  ka soo xaroodo  ay   ugu adeegsato  fulinta  mashruuca dhanka guriyeynta ah.

Amarkan maxkamadeed ayaa waxaa   soo saartay  garsoore  Maureen Onyango oo ka mid ah xaakiinada maxkamadda  sare  laanteeda  Nairobi.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in dowladdu aynan qorshaheeda  ku tallaaba qaadi Karin  ilaa inta laga soo gabagabeynayo  dacwad loo gudbiyay oo  fulinta barnaamijkan looga soo horjeedo.

Waxaa maxkamadda dacwado u gudbiyay  dalladda ay ku mideysanyihiin ururada  shaqaalaha ee COTU, Xariirka (Cofek) iyo ururka shaqaalaha dalka ee FKE.

17-kii bishii afaraad ee sannadkan ayay ahayd markii maxkamadda shaqaalaha  ay soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah  ugu hakisay  qorshaha dowladda dhexe.

Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa xilligii  lagu guda jiray ololihii doorashada ee sannadkii 2017-kii waxaa uu Kenyaanka u ballanqaaday inuu sannad kasta dhisayo  500,000 oo ah guryo taya ahaan wanaagsan  oo  dadweynaha ay ku deganaan  karaan qiimo ay awoodaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here