Maxkamadda oo la filayo inay maanta xukunto eedeysanayaal loo haysto weerarkii Westgate

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan kama dambeys ah ka soo saarto dacwad ay wajahayaan saddex eedeysanayaal oo lala xiriiriyay weerar dhacay toddobo sano ka hor.
Shalay ayay maxkamadda dib u dhigtay inay xukun ku riddo saddexda qof ee lagu eedeyay inay fuliyeen weerarkii sanadkii 2013-kii lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate.
Garsoore Francis Andayi ayaa sheegay inay jiraan qodobbo aan weli la dhamaystirin.
Xaakinka ayaa xusay inuu 2-da duhurnimo ee maanta go’aan kama dambeys ah ku dhawaaqi doono.
Saddexda eedeysanayaal ayaa kala ah Maxamad Axmad Cabdi, Aadan Xussen Xassan iyo Liibaan Cabdullahi Cumar.
Waxay wajahayaan ilaa 12 eedeymo oo ay ka mid yihiin inay fal argagixiso sameyeen , inay shirqool qayb ka noqdeen sido kalena taageereen koox argagixiso oo ayna wadanka si sharci darro ah ku joogaan.
Weerarkan oo dhacay 21-kii bishii sagalaad ee 2013-kii ayaa waxaa ku dhintay 67 qof waxaana xilligaas mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here