Maxkamadda oo laashay dacwad ku aaddanayd in la soo magacaabo guddoomiye ku xigeenka Nairobi

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac isaga dhigtay dacwad loo gudbiyay oo ku saabsanayd in guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko lagu khasbo inuu ku xigeenkiisa soo magacaabo.
Garsoore Wilfridah Okwany ayaa daaqadda ka tuurtay kiis uu maxkamadda geeyay nin lagu magacaabo John Waigi Migwi .
Waxay sheegtay inaan la soo bandhigin arrimo wax ku ool ah oo horseedi karo in maxkamadda ay Sonko khasab uga dhigto inuu magacaabo mas’uulka ku xigeen u noqonaya.
Sido kale waxay garsooraha sheegtay in Mr. John laga doonayay inuu dacwadda u gudbiyo guddiga qaabilsan xallinta muranada siyaasadeed.
Qareenka u doodaya barasaabka Nairobi Mike Sonko, Harrison Kinyanjui ayaa dhankiisa sheegay in Mr. Sonko aan la eedeyn Karin maadaama magacyada afar qof uu u gudbiyay xisbita uu ka tirsanyahay ee Jubilee si loo kala xusho.
Mike Sonko oo marar badan la weydiiyay sababta uunan weli ku xigeen ku soo magacaabin ayaa sheegay inuu wada tashi dheeraad ah oo siyaasadeed sameynayo .

Xafiiska guddoomiye ku xigeenka Nairobi ayaa bannaanaaday bishii koobaad ee sannadkii hore xilligaasi oo uu iscasilay Polycarp Igathe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here