Maxkamadda oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah sharciga cusub ee isku imaatinka dadweynaha

Ururka ay ku mideysan yihiin qareenada dalka ee LSK ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu kaga soo horjeedo dhaqangelinta sharci cusub oo la doonayo in lagu maamulo kulamada dadweynaha.
Talooyinkan ayaa waxaa maalmo ka hor soo saaray golaha qaran ee qaabilsan ka talabixinta arrimaha amniga ee magiciisu loo soo gaabiyo NSAC
Qodobada ay LSK ka soo horjeesatay waxaa ka mid ah in qof waliba oo kulan dadweyne qaban qaabinaya laga doonayo inuu saraakiisha ammaanka ee deegaanka ku wargeliyo ugu yaraan saddex cisho ka hor.
Marka laga soo tago wargelinta , waxaa mas’uuliyiinta kulamada qabanaya looga baahan yahay inay ciidamada ammaanka kala shaqeyaan kala dambeynta dadka isku yimid si aysan rabshad u dhicin.
Sido kale waxaa laga doonaya inay raacaan talada iyo amarrada ciidamada ammaanka .
Hasa ahaate madaxa ururka LSK Nelson Havi ayaa ku doodaya in shuruucdan aysan dastuurka waafaqsaneyn isagoo xusay in isku imaatinka shacabka ay xaq dastuuri ah tahay.
Khamiistii la soo dhaafay ayuu golaha wasiirada ee dalkani Kenya ansaxiyay qodobada uu ku taliyay golaha NSAC ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki iyo abaanduulaha booliska Hillary Mutyambai ayaa laga doonaya inay ka soo jawaabaan dacwadda maxkamadda la hor geeyay.
Ururka LSK ayaa ku doodaya in talooyinka la soo saaray aysan ku kala caddeyn kulamada gaarka ah iyo kuwa ay khasab tahay in ogolaansho la helo ka hor inta aan la qaban.

Qareenada ayaa maxkamadda u bandhigay inay caddeyso sharcinimada talooyinkan iyo in si ay eexasho ku jirto loo adeegsanaya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here