Maxkamadda oo maanta soo hadal qaadeysa dacwad ku saabsan qeybsashada dhaqaalaha

53

Golaha ay ku mideysanyihiin hoggaamiyaasha ismaamulada dalka ee COG ayaa maanta dib ugu laabanaya maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court oo maalmo ka hor ay dacwad u gudbiyeen.
Isniintii ayay ahayd markii guddoomiyaasha dowlad deegaanada ay geeyeen kiis ay ku doonayaan in garsoorayaasha ay sharaxaad sharciyeed ka bixiyaan ansaxinta hindise sharciyeed muran dhaliyay oo ku aaddan sida dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dhaqaalaha wadanka soo galo.
Mas’uuliyiintan oo ay hor kacayaan guddoomiyaha COG ahna barasaabka Kakamega , Mr. Wycliffe Oparanya iyo dhigiisa Murang’a ,Mwangi wa Iria ayaa eedeyn dusha uga tuuray wasaaradda maaliyadda.
Waxay sheegeen in la carqaladeynayo geedisocodka howlaha ismaamulada maadaama lacagaha loogu tala galay ay ka soo dib dhacaan.
Mr. Oparanya ayaa xusay in weerar dhanka dhaqaalaha ah lagu hayo ismaamulada kala duwan.
Waxaa uu sheegay inay doonayaan in maxkamadda ay caddeyso saameynta ka dhalan karto in baarlamaanka iyo aqalka sare aynan ku heshiinin sida kheyraadka qaran loo qeybsanayo.
Sido kale in xaakiinada ay faahfaahin ka bixiyaan in baarlamaanka uu awood dastuuri ah u leeyahay inuu ansaxiyo miisaaniyadda iyadoo aan la gabagabeynin muran ka taagan dakhliga.
Muranka la xariira qeybsashada dakhliga qaran ee dalka ayaa yimid kaddib markii baarlamaanka uu soo jeediyay in 47-da ismaamul ee wadanka ka jiro loo qoondeeyo miisaaniyad dhan 310 bilyan oo shilin halka xubnaha aqalka sare iyo golaha barasaabyada ee CoG ay doonayaan in dhaqaalahaasi laga dhigo 335 bilyan oo shilin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa horay isugu dayay inuu labada dhinac kala dhexdhexaadiyo balse dadaalkaasi ayaa u muuqdo mid aan guulaysan.
Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu ,Prof Anyang Nyong’o ayaa baarlamaanka dalka ku eedeyay inuunan tixgelinaynin waxqabadka dowlad deegaanada iyo qarashaadka ku filan ee lagu maareyn karo howlaha loogu adeego shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here