Maxkamadda oo maanta xukun ka soo saaraysa dacwadda eedeysanayaal loo haysto weerarkii Westgate

Waxaa hadda maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka socoto dhagaysiga dacwad ay wajahayaan saddex eedeysanayaal oo lala xiriiriyay weerarkii sanado ka hor lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.
Galinkii dambe ee shalay ayuu qorshuhu ahaa in maxkamadda ay xukun kama dambeys ah soo saarto balse dib ayaa loo dhigay.
Garsoore Francis Andayi ayaa la filayaa inuu maanta ku dhawaaqo xukunka eedeysanayaasha.
Saddexda eedeysanayaal ayaa kala ah Maxamad Axmad Cabdi, Aadan Xussen Xassan iyo Liibaan Cabdullahi Cumar.
Waxay wajahayaan ilaa 12 eedeymo oo ay ka mid yihiin inay fal argagixiso sameyeen , inay shirqool qayb ka noqdeen sido kalena taageereen koox argagixiso oo ayna wadanka si sharci darro ah ku joogaan.
Weerarkan oo dhacay 21-kii bishii sagalaad ee 2013-kii ayaa waxaa ku dhintay 67 qof waxaana xilligaas mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here