Maxkamadda oo Robert Alai ku siidaysay 50 kun oo damiin lacageed ah

Maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi ayaa maanta damiin lacageed oo dhan 50, 000 oo shilin dalka ah waxay ku siidaysay Robert Alai oo ka mid ah shakhsiyaadka sida weyn u isticmaalo baraha ay bulshada ku wada xiriirto gaar ahaan twitarka.
Mr. Alai ayaa la xiray kaddib markii uu bartiisa twitarka soo dhigay qoraal ku saabsna in Dowladda aynan ka run sheegin saameynta caabuqa Coronavirus .
19-kii bishan ayaa la sheegay inuu soo saaray qoraal uu ku sheegayo in Dowladda aynan shaaca ka qaadin macluumaad ku saabsan qof coronavirus ugu dhintay dekadda magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.
Maalinkii Jimcaha, 20-kii bishan ayaa Alai la xiray waxaana la geeyay saldhigga booliska ee xaafadda Muthaiga halkaa soo uu ku jiray ka hor inta aan maanta la maxkamadeyn.
Tallaabada lagu xiray Mr. Alai ayaa timid kaddib markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu wacad ku maray in xabsiga loo taxaabaya cid kasta oo qorto ama faafiso xog waxba kama jiraan oo ku aaddan Coronavirus.
Robert Alai ayaa loo haystaa inuu baal maray qeybta 23-aad ee sharciga dastuuriga kaasoo u degsan isticmaalka habboon ee kombiyuutarrada iyo intarneetka.

Sharcigan ayaa dhigaya in qofkii isagoo og baahiya ama qoro macluumaad been abuur ah oo keeni karo cabsi , qalalaase, rabshad ka dhex dhacdo dadweynaha ama dhaawacaysa sumcadda qofka uu galay dembi hadii lagu caddeeya uu muteeysanaya ganaax lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin, xabsi aan ka badneyn 10 sano ama in labaduba lagu ciqaabo.
Waxaa uu maanta ka soo hormuuqday garsoore M. Ndungi isagoo iska fogeeyay eedeyn ah inuu daabacay macluumaad been abuur ah taasoo keentay in ugu dambeyn lagu daayo damiin .
Hasa ahaate waxaa laga dalbaday inuunan soo qorin war ama macluumaad ku saabsan cudurka Coronavirus ee loo yaqaano COVID-19.
Dacwadda uu wajahaya ayaa dib loo dhageysan doonaa 23-ka bisha Afaraad ee sannadkan.
Dhanka kale Kenyaanka ayaa looga digay inay sii faafiyaan waxyaabaha aan xaqiiqda ku saleysnayn ee laga sheegaya cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here