Maxkamadda oo sheegtay in dugsiyada dalka aan si sharci ah lagu xirin

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay go’aankii ay bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan dowladda dhexe albaabada isugu dhufatay goobaha waxbarashada.
Garsoore James Aaron Makau ayaa xusay in lagu xadgudbay xuquuqda carruurta.
Waxaa uu xaakinka amar ku bixiyay in casharrada tooska ah ay dib u billowdaan muddo 60 cisho gudaheed ah.
Dacwaddan ayaa waxaa maxkamadda geeyay Joseph Enock Aura oo ka mid ah waalidiinta dalka.
Isagoo uu matalaya qareenkiisa Harrison Kinyanjui ayuu ka soo horjeestay amarkii si lama filaan ah loogu xiray dugsiyada.
Aura ayaa ku dooday inuusan jirin amar madaxweyne oo lagu saleeyay xiriidda goobaha tacliinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. Georga Magoha uu maalmo ka hor shaaciyay in fasallada kale ee dugsiyada dib loo furaya 4-ta bisha koowaad ee sannadka 2021-ka.
12-kii bishii hore ayay waxbarashadoodu dib u billowdeen ardayda fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa dhigta fasalka afaraad ee dugsiyada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here