Maxkamadda oo soo saartay go’aan ka dhan ah guddiga TSC

Maxkamadda sare ee dalka ayaa si ku meel gaar ah u hakisay in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu sii wado in tallaabo la xariirta habdhaqanka uu ka qaado 221 barayaal ah .
Macallimiintan ayuu guddigu ku eedeyay inaynan ka qeybgalin tababaro ku aaddan manhajka cusub ee waxbarashada oo la qabtay iyagoona sido kale iskudayay inay carqaladeyaan.
Maalinkii talaadada ee isbuucii hore ayay ahayd markii TSC ay 160 macallimiin ah u dirtay warqado looga doonayo inay faahfaahiyaan sababta aanan lagula xisaabtami Karin ka maqnaanshaha tababarkii bishii hore ee sannadkan.
Hasa ahaate garsoore Byram Ongaya ayaa ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah TSC kaddib dacwad uu gudbiyay ururka qaran ee macallmiinta ee KNUT oo ku doodayo inaynnan macquul iyo cadaalad midna ahayn in barayaasha loo ciqaabo inaynan tababarka qaadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here