Maxkamadda oo soo saartay go’aan ka farxiyay xoghayaha guud ee KNUT

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa soo saartay go’aan ah in Wilson Sossion uu xafiiska haynayo in kastoo maalmo ka hor xubnaha ka tirsan ururka qaran ee barayaasha wadanka ee KNUT ay xilka qaadis ku sameyeen.
Mr .Sossion oo ah xoghayaha guud ee dalladdan sido kalena baarlamaanka si magacaabid ah ku galay ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay cadaadis xooggan kala kulmayay xubnaha uu hoggaamiyo.
Waxay ku eedeynayaan inuu caqabad ku noqday dhaqangelinta mashaariicda dowladeed ee la xariira arrimaha waxbarashada.
Hasa ahaate waxaa uu dhankiisa ku doodaya in muranka dhanka hoggaanka ee uu ururka KNUT wajahayo uu yahay mid ay cid ku faragelinayso.
Garsoore Hellen Wasilwa oo ka howlgasho maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa ku dhawaaqday go’aanka maxkamadda waxayna mid sharci darro ah ku tilmaantay kulankii Sossion xilka looga qaaday.
2-dii bishan ayay ahayd markii Mrs. Wasilwa ay xoghayaha guud ee KNUT u ogggolaatay inuu shaqadiisa sii wato inta laga soo gabagabeynayo kiis uu gudbiyay.
Sido kale maalinka Jimcada ee toddobaadkan ayaa la filayaa inay maxkamadda shaqaalaha kala caddeyso in Mr . Wilson Sossion uu hayn karo labada xilal ee xoghayaha guud ee KNUT iyo xildhibaan baarlamaanka ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here