Maxkamadda oo soo saartay warqad lagu soo xiraya barasaabka Kilifi

Maxkamadda dalka ee qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ayaa soo saartay waarkan lagu soo xiraya guddoomiyaha ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Amason Kingi.
Tani ayaa timid kaddib markii uu mas’uulkan ku guuldareystay inuu ka soo qayb galo kal- fadhi laga doonaya inuu ka marqaati kaco kiis ku saabsan fal dambiyeed.
Kiiskan ayaa ah mid afar qof oo ganacsato ah lagu soo oogay eedeyn ah inay isku dayeen in barasaabka ay ka dhacaan 30 milyan oo shilin.
Garsoore Eunice Nyutu of Milimani ayaa sidoo amartay in la soo xiro Axmed Ibrahim oo marqaatida ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here