Maxkamadda racfaanka oo ayidday xukun lagu riday Ruth Kamande

Xafiiska agaasinka waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegay in maxkamadda racfaanka ay ayidday xukun ay horay u soo saartay maxkamadda sare ee Kenya balse aan lagu qancin.
Go’aankan ayaa ahaa in dil lagu xukumay Ruth Kamande oo lagu eedeyay inay 22 mar mindi gelisay nin ay sheeko ka dhexeysay.
Falkan ayaa bishii sagalaad ee sannadkii 2015-kii ka dhacay xaafadda Buruburu.
Waxay maxkamaddu xustay in la helay caddeeymo wax ku ool ah oo muujinaya in Ruth ay dilka gaysatay.
2017-kii ayay garsoore Jessie Lessit oo maxkamadda sare ka howlgasho eedeysanaha ku xukuntay dil waxaana go’aankan ku taageertay maxkamadda racfaanka ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here