Maxkamadda racfaanka oo laashay dacwad ka dhan ahayd xubno la soo magacaabay

Maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday kiis loo gudbiyay oo looga soo horjeedo Prof. Olive Mugenda, Felix Koskei iyo Patrick Gichohi ay ka mid noqdaan xubnaha guddiga adeegga garsoorka ee (JSC).
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay machadka Katiba Institute oo u ololeeya arrimaha sharciga iyo xuquuqul aadanaha.
Saddex garsoore oo kala ah Wanjiru Karanja, Asike Makhandia iyo Fatuma Sichale ayaa isku raacay inaan la soo bandhigin caddeymo wax ku ool oo lagu hor istaagi karo magacaabidda.
Waxay maxkamaddu sheegtay in saddexda qof lagu soo magacaabay si waafaqsan dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here