Maxkamadda sare ayaa maanta joojisay mooshinkii xilka looga xayuubin rabay barasabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko

Mooshinkan oo uu baarlamaanka ismaamulka Nairobi hor keenay wakiilka deegaanka hoose ee Makongeni mr Peter Imwatok ayaa lagu waday in laga dooda 3-da bishan oo ku began maalinka beri ah.
Balse garsoore Bryan Ongaya ayaa amray in mooshinkaasi aan laga doodi Karin ila laga raaco sharciga baarlamaanka hoose ee ismaamulada.
Qareenka Mike Sonko mr Harrison Kinyanjui ayaa soo daweeyay go’aankaasi asagoo sheegay in karaaniga baarlamaanka hoose ee dawlad deegaanka Nairobi uu ku war geliyay inuu weli soo gaarin mooshinkaasi ama aan la xaqiijin saxiixyada.
Sabtidii ayuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku qaabilay aqalka madaxtooyada ee State House dhamaan wakiilada hoose ee ismaamulka Nairobi.
Kulanka oo ay soo xaadireen 115 kamid ah wakiilada hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa looga hadlayay tallabada ay dawladda dhexe kula wareegtay qaar kamid ah hawlaha dawladda hoose ee Nairobi.
Waxaa sido kale la sheegay in intii lagu guda jiray kulanka uu madaxweynaha ka codsaday wakiiladaasi inay meesha ka saaraan mooshinka xilka looga qaadhi rabo guddoomiye Mike Sonko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here