Maxkamadda sare ee Israel oo ogolaatay heshiiskii Netenyahu iyo Gantz

Maxkammada sare ee dalka Israel ayaa ogolaatay heshiiska dawladda lagusoo dhisayo, waxayna maxkamdda sheegatay in eedeeymaha musuqmaasuq ee loo heysto rai’isul wasaare Benjamin Netanyahu aysan ka hor joogsaneynin in uu dawlad wadaag ah soo dhiso.
Tallaabadan ayaa wadada u xaareeysa in Mr. Netenyahu uu hoggaanka kusii nagaado.
Kiiska oo ay gudbiyeen mucaaradka ayaa waxey maxkammadu sheegtay in maadaama eedeymo musuq loo haysto rai’isul waasaraha ay hadana sharci darro ahayn in ay dawlad wadaag ah soo dhisaan asaga iyo ninka ay sida weyn iskula tartameen doorashadii ee Beny Gantz.
Saddex doorasho oo horrey la galay ayaa waxaa uu Mr Netanyahu ku guul dareeystay in uu helo codadka kuraastii uu kusoo dhisi lahaa dawlad.
Xukunka ayaa meesha ka saaray caqabad xagga sharciga ah oo haysata xukuumada isbahaysiga ee Netanyahu iyo garabka midig ee Gantz waxuuna qorshaha yahay in la dhaariyo todobaadka soo socda.
Arrintan ayaa waxaa ay soo afjari doontaa is qabqabsi siyaasadeed oo dalkaasi ka jiray sannado badan.
Netanyahu, oo 70 jir ah, waxaa bishii Janaayo lagu soo oogay dambiyo la xiriira laaluush, khiyaano iyo jebinta kalsoonida balse waxaa uu dafiray dhamaan seddexdaas arrimood.
Kiiska ayaa lagu wadaa in dib loo dhageeysto 24-ka bishan May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here