Maxkamadda sare oo amartay inuu xabsiga ku sii jiro sarkaal wiil yar toogtay

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta go’aamisay in xabsiga lagu sii hayo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska oo lagu magacaabo Duncan Ndiwah.
Waxaa askarigan loo haystaa inuu dilay Yaasiin Xussen Moyo oo dhiganayay fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe.
Wiilka oo 13 sano jir ahaa ayaa la toogtay xilli uu ku suugna xaafadda Huruma ee Magaladatani Nairobi isaga oo taagan balakoonka gurigooda.
Waxaa xilliga wiilkan la tooganayay ay hal meel ku wada sugnayeen walaalahiis balse isaga ayay xabadda ku dhacday.
Aabaha dhalay wiilkan oo lagu magacabo Xussen Moyo, ayaa sheegay in wiilkiisa lagu dilay gurigiisa isaga oo aan wax dambi ah galabsan.
Bishii hore ayay ahayd markii xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Mr. Nuudiin Xaaji uu soo saaray amar ah in dacwad lagu soo oogo sarkaalkan maxakamadna la soo taago .
Dhanka kale Sarkaalka eedeysanaha ah ayaa 19-kii bishan laga baaray cudurka Covid-19 kaddib markii lagu arkay astaamaha cudurkan balse laga waayay.
Waxaa go’aanka maxkamadda soo saaray garsoore Luka Kimaru.
Mr .Ndiwah ayaa beeniyay inuu Yaasiin toogasho ku dilay 30-kii bishii saddexaad ee sannadkan taasoo keentay inuu gudbiyo racfaan uu ka qaadanaya dacwadda.
Gikui Hichuhi oo ka mid ah dacwad oogayaasha dowladda ayaa sheegay inay soo bandhigayaan codsi ay kaga soo horjeedaan in Duncan Ndiwah racfaan lagu siidaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here