Maxkamadda sare oo booliska ka hor istaagtay inay shacabka dhibaateyaan

Maxkamadda saree e dalka ayaa ciidamada booliska ku amartay in xilliga ay fulinayaan bandowga habeenkii aynan shacabka wax dhibaato ah u gaysan.
Arrintan ayaa timid kaddib dacwad uu maxkamadda geeyay ururka qareennada wadanka ee LSK.
Garsoore Weldon Korir oo ka howlgalo maxkamadda saree e dalka ayaa go’aankan soo saaray.
Waxaa uu xaakinka abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai u qabtay muddo 48 saacadood ah oo uu wargeysyada ku soo daabacayo hab-raaca booliska laga doonayo inay adeegsadaan marka ay ku guda jiraan howlgal ku aaddan bandowga.
Waxaa uu sido kale sheegay in loo baahan yahay in tilmaamahan maxkamadda loo soo bandhigo.
Sido kale saraakiisha ammaanka ayaa laga hor istaagay inay awood xad dhaaf ah isticmaalaan oo aynan warbaahinta faragelin ku sameeyaan.
12-ka duhurnimo ee maanta ayaa LSK laga sugaya inay maxkamadda gayso dokumeentiyada la xiriira dacwadda ay qaab online ah ku gudbisay.
Abaanduulaha booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i, xeer ilaaliyaha dalka Mr. Paul Kihara iyo wasiirka caafimaadka Mutahi Kagwe ayaa la doonaya inay kiiskan ka jawaabaan.
Ururka garyaqaanada dalka ee LSK ayaa maxkamadda tagay isagoo doonaya in la hakiyo bandowga jira inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Sido kale LSK ayaa codsatay in wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu faahfaahin ka bixiyo diyaargarowga Dowladda ee la tacaalidda coronavirus.
Kiiskan ayaa la filayaa in 2-da bisha afaraad ee sannadkan qaab online ah lagu dhagaysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here