Maxkamadda sare oo ka hor timaaday dacwadii ay gudbisay barasabka Kirinyaga

Maxkamadda sare ayaa ku gacan seertay kiiskii ay gudbisay barasabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru oo ay kaga hor imaatay tallaabaddii xilka looga xayuubiyay.
Garsoore Weldon Korir ayaa go’aamiyay in wakiilada hoose ee ismaamulkaasi aysan ku xad gudbin sharciga xiligii ay ka doodayeen mooshinka xilka looga qaaday.
Mrs Waiguru ayaa codsatay in maxkammada ay joojiso go’aan kasta oo la xiriira xilka qaadisteeda.
Waxay sidoo kale dooneysay in maxkamaddu ay ku dhawaaqdo in geedi socodka la xiriira xil ka xayuubinta ay sameeyeen wakiilada hoose ee ismaamulka Kirinyaga laga dhigo waxba kama jiraan.
7-dii bishii April ayay maxkammadu amartay in mooshin xilka looga qaadayo Anne Waiguru aan laga doodi Karin xilligan lagu guda jiro COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here