Maxkamadda sare oo laashay dacwad uu gudbiyay xeer ilaaliyaha dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara Kariuki

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac isaga dhigtay dacwad uu geeyay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara Kariuki.
Mas’uulkan ayaa doonayay in la istaajiyo ku tallaaba qaadka amar ku aaddan in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi uu isbeddel ku sameeyo bandowga habeenkii.
Matiangi ayaa laga dalbaday in liiska shakhsiyaadka iyo maamullada bixiya adeegyada muhiimka ah uu ku kordhiyo qareennada iyo saraakiisha maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA.
Garsoore Weldon Korir oo loo bandhigay codsiga xeer ilaaliyaha guud ee wadanka ayaa sheegay in tixgelinta dacwaddan ay jeesjees ku tahay caddaaladda.
Waxaa uu cuskaday go’aan horay uga soo baxay maxkamadda kaasoo Dr. Matiangi ku qasbaya inuu dhaqangelinayo amarka la siiyay.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in qareennada iyo saraakiisha maamulka IPOA oo lagu daro liiska adeegyada muhiimka ah lagu saleeyay in booliska ay awood xad dhaaf ah adeegsadeen iyagoo fulinaya bandowga habeenkii.
Bandowga oo shaqeeya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo ayaa soo jiray tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan wuxuuna ka mid yahay tallaabooyinka dowladda ay ku xakamaynayso faafitaanka caabuqa coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here