Maxkamadda sare oo laashay doorashadii xildhibinadda waqooyiga Gatundu

Maxkamadda sare ee dalka ayaa laashay doorashadi lagu soo doortay mudanaha deegaan baarlamaaneedka waqooyiga Gatundu ee ismaamulka Kiambu Anne Wanjiku Kibe.
Go’aankan ayaa waxaa maanta ku dhawaaqay Garsoore Weldon Korir
Maxkamadda ayaa sheegtay in kursiga deegaan baarlamaaneedka waqooyiga Gatundu uu haatan bannaan yahay.
Waxayna amartay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC inay qabtaan doorasho kale.
Sido kale guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi ayaa lagu amray inuu shaaciyo inuu bannaan yahay kursiga deegaanka waqooyiga Gatundu sido kalena xildhibaanadda laga qaado tallaabo sharciyeed.
Mudanaha laga soo doortay waqooyiga Gatundu ayaa haatan lumisay kursigeeda kaddib markii ay ku xadgubtay sharciga doorashada ee sannadkii 2017-kii sida ay maxkamaddu sheegtay.
Waxaa laga doonayay inay iska casisho xilka wakiilka deegaanka hoose si ay ugu tartanto xildhibaananimada taasoo lagu eedeynaya inaysan sameyn.
Garsoore Weldon Korir ayaa xusay in Wanjiku aysan u qalmin inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee deegaankaasi maadama ay ahayd wakiil ama MCA markii ay ka qeyb gashay doorashadii 2017-kii.
Xukunka ayaa yimid kaddib markii maxkamadda racfaanka ay amartay in mar kale la dhagaysto dacwad uu gudbiyay xildhibaankii hore ee deegaankaasi Clement Waibara oo markii hore maxkamada sare ay laashay codsigiisa.
Qodobka 99 farqadda labaad ee dastuurka ayaa u diidaya qofka in loo doorto xildhibaan isaga oo wakiil deegaan hoose ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here