Maxkamadda sare oo laashay shuruuc uu baarlamaanka ansaxiyay

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday ugu yaraan 23 sharci oo uu baarlamaanka meel mariyay.
Waxay maxkamaddu sheegtay in ansaxinta xeerarkan aan laga qayb gelin aqalka sare sidaas awgeedna ay sharci darro yihiin.
Go’aanka maxkamadda waxaa soo saaray garsoorayaasha kala ah Jairus Ngaah, Anthony Ndung’u iyo Teresiah Matheka.
Waxay sheegeen in baarlamaanka uusan xeerar ansaxin Karin iyadoo aan laga talogelin aqalka senate-ka.
Shuruucdan waxaa ka mid ahaa kuwo la xiriira nidaamka dowlad wadaajinta, canshuuraha iyo maaliyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here