Maxkamadda shaqaalaha oo maanta go’aan ka gaaraysa dacwad ka dhan ah xoghayaha KNUT

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa maanta lagu wadaa inay go’aamiso in xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka (KNUT) Mr. Wilson Sossion uu xilkaasi sii haynayo iyo in kale maalmo un kaddib markii xilka qaadis lagu sameeyay.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah mas’uuliyiinta KNUT oo uu hor kacayo ku xigeenka xoghayaha guud Hesbon Otieno ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Sossion.
Hasa ahaate waxaa uu maxkamadda geeyay dacwad uu go’aankaasi uga soo horjeedo.
Garsoore Hellen Wasilwa oo ka howlgasho maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto in kulankii Sossion xilka looga qaaday uu ahaa mid sida habboon loo soo agaasimay.
2-dii bishan ayay ahayd markii Mrs. Wasilwa ay xoghayaha guud ee KNUT u ogggolaatay inuu shaqadiisa sii wato inta laga soo gabagabeynayo kiis uu gudbiyay.
Isniintii ayay ahayd markii Mr .Sossion uu sheegay in dhibaatooyinka dhanka hoggaanka ee ururka macallimiinta ka dhex jiro ay tahay faragelin uga imaanaysa dibadda.
Sido kale maalinka Jimcada ee toddobaadkan ayaa la filayaa inay maxkamadda shaqaalaha kala caddeyso in Mr . Wilson Sossion uu hayn karo labada xilal ee xoghayaha guud ee KNUT iyo xildhibaan baarlamaanka ka tirsan.
Dhanka kale maxkamadda shaqaalaha ee ismaamulka Nakuru ayaa kordhisay mudada uu shaqeynayo amar shaqooyinkoodii dib loogu celiyay afar ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowlad deegaanka Nyandarua.
Saraakiishan ayaa waxaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay barasaabka ismaamulkaasi Francis Kimemia.
Mas’uuliyiintan oo lagu eedeyay in waajibaadkooda sida habboon aynan u gudan ayaa ka howlgalayay wasaaradaha waxbarashada, warshadeynta, biyaha iyo maamulka dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here