Maxkamadda Turkiga oo xabsi ku xukuntay 7 wariyaal ah

Maxkamad uu fadhigeedu yahay dalka Turkiga ayaa maanta xukuno xabsi ah ku ridday 7 suxufiyiin ah iyo shaqaale kale oo ka howlgalayay wargeys mucaaradka dalkaasi lala xiriiriyo.
Wargeyska ayaa lagu magacaabaa Sozcu waxaana wariyaasha lagu eedeyay inay xiriir la leeyihiin iskuxir xukuumadda Ankara ay rumeysantahay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi ee fashilmay sannadkii 2016-kii.
Dowladda Turkiga ayaa tan iyo markii falkaasi la gaystay wadday howlgallo ka dhan ah cid kasta oo la aaminsanyahay inay xiriir la leedahay ama ay taageerto Fetxullah Gulen oo la farfiiqay.
Wariyaasha waxaa ka mid ah Emin Colasan iyo Necati Dogru iyo tifaftirayaal lagu kala magacaabo Mustafa Cetin iyo Metin Yilmaz.
Waxaa dhammaantood lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah.
Saddexdii sano ee ugu dambeeyay waxaa gudaha Turkiga lagu xiray in ka badan 77,000 oo qof .
Waxaa dhanka kale shaqada laga eryay 150,000 qof oo shaqaale dowladeed ah oo ay milatari ka mid yihiin in kastoo Fetxullah Gulen uu eedeymaha loo soo jeediyay iska fogeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here