Maxkamadda ugu sarreysa ingiriiska oo meesha ka saartay go’aan uu qaatay ra’iisul wasaaraha

Waxay maanta dharbaaxo xooggan soo gaartay ra’iisul wasaaraha ingiriiska Boris Johnson kaddib markii maxkamadda ugu sarreysa ee UK ay sharci darro ku tilmaantay go’aan uu ku kala diray baarlamaanka.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in tallaabadii uu qaaday Boris Johnson aynan ahayn mid dhaqangal ah.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ingiriiska ayaa go’aanka maxkamadda soo dhaweeyay .
Ra’iisul wasaaraha ayaa horay u sheegay in baarlamaanka la kala dirayo si loo qabto codeyn hor dhac ah ka hor inta dhammaadka bisha xigta boqortooyada Britain aynan isaga bixin midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here