Maxkmadda caalamiga oo usbuuca dambe dib u eegi doonto codsiga Kenya

Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah ICJ-da ayaa toddobaadka soo socda dib u eegi doonta codsiga Kenya ee ahaa in 12 bilood dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa dalka Somalia.
Dowladda dalka ayaa maxkmadda caalamiga ah weydisatay in 12 bilood ah dib loo dhigo kiiska badda si ay isku soo diyaariyaan.
Maxkmadda caalamiga ah ICJ-da ayaa horay laba bilood ah dib u dhigtay dhagaysiga dacwadda badda waxaana la rabay in la dhagaysto 9-kii bishi Sebtember ee sanadkan balse maxkmadda waxaa ay qorshaysay in kiiska la dhagaysan doono 4 bisha November.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.iyadoo xarunta maxkamadda ay tageen masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Somalia .
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here