Maxkmadda Nyeri oo sii daysay arday lagu waayay caddeymo

11 ka mid ah ardaydii hore ee dugsiga sare Wiilasha Endarasha oo lagu eedeeyay inay dab qabadsiiyeen hoyga ay ardayda seexanayeen oo ku yaala iskuulkaas ayay maxkmaddu sii daysay maanta.
Ardaydan ayaa sannadkii 2010-kii lagu tuhmay inay iyaga ka dambeeyeen inay gubeen iskuulka.
Maxkmadda Nyeri oo ardayda la soo taagay ayaa sheegtay in xeer-ilaalinta dacwadooda ay ku guuldaraysteen inay maxkmadda horkeenaan cadeymo loo cuskan karo in ardayda kiis rasmi ah lagu soo oogo.
Maxkmadda ayaa sheegtay in baaritaanada oo liidata aysan suurtagal ahayn in ardayda lagu qaadi dacwad dhab ah.
Dhacdada lagu gubay goobta ay ardayda seexanayeen dugsiga sare Endarasha ee ismaamulka Nyeri waxaa ku dhimatay 2 arday ah halka arday kalena ay ku dhaawacmeen.
Ardaydii loo xiray falkan ayaa dhamaantooda lagu waayay inay ku lug leeyihiin dhacdadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here