Maydka Ra’isulwasaarahii hore ee Soomaaliya la geeyay Muqdisho.

Diyaaraddii sidday maydka alle ha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goordhaw gaartay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Garoonka waxaa ku sugan guddiga qaban qaabada Aaska Qaran ee loo sameynayo marxuumka oo uu hogaaminayo ra’isulwasaare ku xigeenka xukuumada Fedraalka Soomaaliya.
Madaxda Qaranka ayaa ku tukan doonta salaada Janaasada ka dibna waxaa Maydka loo qaadi doonaa magaalada Garooowe ee Caasimada maamulka Puntland halkaas oo lagu aasi doono hadii allaah idno.
Meydka Alle ha u Naxariiste Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa xalay laga soo qaaday dalka turkiga oo uu kugeeriyooday.
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ,Guddoomiyaha Golaha Shacabka qaar kamid ah xubnaha labada Gole ee baarlamanka, xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan-Caadde uga qayb galaya Salaada Janaasada oo halkaas lagula tukanayo.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo qaar kamid ah Wafdigiisii dhawaan dhuusa mareeb tegay ayaa waxaay aaska uga qayb galayaan Magalada Garowe oo ay horay u tagaeen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo qaar kamid Madaxda maamul gobaleedyada oo dhamaantood Aaska ka qayb galaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here