Maydka Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu wado in Maanta Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya la geeyo meydka Allah ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo ahaa R/Wasaarihii hore ee Somalia, kadib markii uu Shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga.
Marxuumka ayaa maanta aas qaran loogu sameyn doonaa magaalada Muqdisho, iyadoona qaban qaabada aaska ay ka socoto magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qaban qaabiya aas Qaran ee Muqdisho loogu sameynayo marxuum Cali Khaliif, gudigaasoo ka kooban seddax iyo xubnood.
Sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana ku wehliya sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-hayaha wasiirka kalluumeysiga Cabdullahi Bidhaan Warsame.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here