Melbroune oo xayiraad la xiriirta xanuunka COVID-19 lagu soo rogay

Waxaa xayiraad hor leh lagu soo rogay magaalada labaad ee ugu wayn ee dalka Australia.
Waxay tallaabadani ka dhigantahay in dadka ku nool magaalada Melbourne ay guryahooda ku sugnaadaan isla markana aysan ka soo bixin mudda lix todobaad ah hadii aysan u baahnayn adeegyada muhiimka ah.
Go’aankan oo saamayn doona 4.9 milyan oo qof ayaa ku soo aaday saacada kaddib markii xadka mashquulka badan ee u dhaxeeya Victoria oo Melbourne Caasimad u tahay iyo gobolka New South Wales oo la filaayo in la xiro markii ugu horeysay mudda qarni ah.
Laga bilaabo habeenka arbacada qof walba oo ku nool Melbourne waxa laga doonaya inay guriga joogaan hadii aysan u baxayn shaqa, waxbarashada, adeeg ama isbitaal.
Hoteelada waxaa laga cuno iyo baararka ayaa bixin doona adeega take away halka xaruumaha jimicsiga iyo Timajaraha la xiray, halka fasaxii iskooladana lagu kordhiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here