Mexico oo diiwaangelisay dhimasho hor leh oo dhan 424

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Mexico ayaa shaacisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la xaqiijiyay kiisas dheeraad oo la xiriira caabuqa corona oo gaaraya 2,248 iyo dhimasho cusub oo dhan 424.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii labaad ee ugu badneyd ee gudaha wadankaas hal maalin laga xaqiijiyo tan iyo markii uu cudurka covid-19 dillaacay.
Ilaa iyo hadda tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee Mexico waxay gaartay 56,594 halka dhimashada guud ay tahay 6,090 .
Maalinkii Talaadada dowladda Mexico ayaa shaacisay 2,713 oo ah xaalado cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here