Meydadka dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee Itoobiya oo dalka la keenayo

Waxaa la filayaa in dhawaan gagida diyaaradaha ee JKIA magaaladatani Nairobi ay ka soo caga dhigato diyaarad sidda meydadka 36 qof oo kenyaan ah oo bishii saddexaad ee sannadkan ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Itoobiya.
Waxaa xilligaasi shil gashay diyaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines oo ku soo wajahneyd caasimadda dalka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in diyaaradda la filayo inay timaado 10.25 barqanimo.
Hay’adda booliska caalamiga ee Interpol ayaa dhankeeda sheegtay in la aqoonsaday meydadka 157 qof oo ku dhintay shilkii 10-kii bishii maarso ee sannadkan.
Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing ayaa burburtay 6 daqiiqadood kaddib markii ay ka soo duushay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxana magdhow la siiyay qoysaska dadkii ku dhintay dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here