Meydadka dadkii u dhintay Covid-19 ee dalka oo la buufin doono ka hor inta aan la aasin

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay daboolka ay ka qaaday in meydadka bukanada cudurka Corona ee gudaha ee dalka la buufin doono ka hor inta aan lagu wareejinin qoysaskooda si ay uu Aasan.
Sii hayaha xiilkaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr.Patrick Amoth ayaa sheegay in meydka bukaankii ugu horeeyey ee uu dhintay cudurka Corona oo lagu magacaabi jiray Injineer Maurice Barasa Namiinda la buufiyey kadibna lagu wareejiyey qoyska u ka dhintay
Dr Patrick Amoth ayaa inta ku daray in 15 xubnood oo qoyska ka tirsan loo ogolaan doona in ay ka qeyb galaan aaska
Ilo iyo haatan dalka waxaa cudurka u dhintay 4 qof oo u ku jiro wiil yar oo lix jir ah, iyada oo tirada guud ee dadka laga helay Caabuqa ay gaadhay 122

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here