Meydadka dhammaan 10-kii qof ee ay doon kula degtay harada Victoria oo la helay

Waxaa maanta la helay meydka qofkii tobnaad kaddib markii habeenimadii ay Arbacada soo galaysay ee toddobaadkan ay shakhsiyaad doon saarnaa kula degtay harada Victoria.
Kooxaha samatabixinta ayaa soo gabagabeeyay saddex maalmood oo ay baaritaano sameynayeen.
Doonta ayaa sidday 20 qof oo rakaab ah waxayna u badnaayeen ganacsato ka yimid Uganda oo ku wajahnaa degmada Usenge ee ismaamulka Siaya.
10 ka mid ah ayaa dhacdadaas kaddib la soo badbaadiyay halka meydadka 10-ka kale midkii ugu dambeeyay maanta la helay.
Taliyaha booliska ee gobolka Nyanza ,Karanja Muiruri ayaa sheegay in meydadka lagu wareejin doono ehellada ay dadkan ka baxeen si loo aaso.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here