Meydadka hooyo iyo canugeeda oo ku dhacay badda oo aan weli la helin

Waxaan weli lagu guulaysan in la soo helo meydadka hooyo iyo canugeeda laba maalmood ka hor ku dhacay badda Indian Ocean xilli ay saarnayeen baabuur gudbayay marinka deegaanka Likoni oo ah meel aad u mashquul badan.
Waaxda bixisa adeegyada feeriga ee KFS ayaa shaaca ka qaadday in howlaha la xariira soo helidda meydadka ay dib u billaabanayaan 10-ka barqanimo ee maanta.
Qoyska hooyadaasi iyo dadka deegaanka ayaa dhacdadan walaac ka muujiyay waxayna eedeyn u jeedinayaan dowladda oo ay ku dhaliilayaan inaynan tallaabooyin degdeg ah qaadin.
Taliyaha booliska ee deegaanka Likoni ,Benjamin Rotich ayaa sheegay in la guda galayo baaritaano ku aaddan sababta keentay in gaariga ay labadaasi qof saarnayeen uu badda ku dhaco.
Mid ka mid ah dadka ku takhasusay sida biyaha loo quuso oo loo badbaadiyo qofka samatabixinta u baahan ayaa sharaxaya waxyaabaha ay qabtaan iyo caqabadaha arrinkan lagala kulmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here