Meydadka hooyo iyo labadeeda canug oo maanta qalliin lagu sameynayo

Waxaa maanta qalliin lagu sameyn doonaa meydadka hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo dhawaan laga helay ismaamulka Laikipia.
Joyce Syombua oo ay da’deedu ahayd 31 sano , Shanice Maua ,10 sano jir iyo Prince Michael oo 5 sano jiray ayaa la waayay 27-kii bishii Tobnaad ee sannadkan.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa hadda baaritaano ku haya dilka loo gaystay saddexdan qof.
Waxay falkaasi la xariirinayaan Peter Mugure oo ah aabaha dhalay labada canug.
Qaliinka la sameynaya ayaa looga gol leeyahay in la ogaado qaabka rasmiga ah ee loo dilay dadkan.
Elizabeth Maua oo ayeey u ah carruurta ayaa weli walaac ka qabto in dhibaato dheeraad ah la gaarsiiyo qoyskeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here