Meydka gudoomiyihii gobolka Banaadir oo Muqdisho la Keenay.

Allaha u naxariistee Meydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ayaa aroornimadii hore ee Saaka waxaa laga soo dejiyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,kadib markii shalay uu dib u dhac uu yimid keenistiisa.
Guddiga qabanqaabada Aaska Marxuumka ayaa sheegay in Maanta oo axad ah 8:00 Subaxnimo Meydka la keenayo Magaalada Muqdisho,isla markaana waxaa Caasimadda ka socda qaban qaabada Aaska qaran ee Loo samaynayo.
Madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galaysa Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho oo u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qaraxii 24-ka Bishii hore ee luulyo ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir xili uu socday Shir looga hadlayay amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Shalay ayaa lagu waday in Meydka Marxuumka la keenyo Magaalada Muqdisho oo halkaas Aas qaran loogu sameeyo,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, taasoo loo sababeeyay cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka marxuumka.
Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka Magaalada,iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here