Meydka Papa Shirandula oo la aasay

Waxaa dhawaan deegaanka Funyula ee ismaamulka Busia lagu aasay majaajileystihii caanka ahaa ee dhawaan geeriyooday Papa Shirandula.
Magaca rasmiga ee jilaagan oo loogu magacdaray barnaamij ilaa 2007-dii ka baxayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa ahaa Charles Bukeko.
Waxaa uu ku geeriyooday isbitaalka Karen ee magaaladatani Nairobi.
Papa Shirandula ayaa sannadkii 2010-kii la guddoonsiiyay abaalmarinta jilaaga ugu fiican wuxuuna ifka kaga tagay xaaskiisa iyo 3 carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here