Meydka Robert Mugabe oo laga soo qaaday Singapore

Meydka madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ee dhawaan ku geeriyooday wadanka Singapore Robert Mugabe ayaa lagu soo warramayaa in halkaasi laga soo qaaday.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinka sabtida aas qaran loogu sameeyo gudaha Zimbabwe oo uu 37 sano ka talinayay.
Mugabe ayaa jimcihii geeriyooday isagoo 95 sano jir ah kaddib daryeel caafimaad oo in muddo ah u socday.
Bishii Novembar ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii xilka lagala wareegay waxaana geeridiisa maalmo ka hor shaaca ka qadaay hoggaamiyaha hadda xilka haya Emmerson Mnangagwa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here