Meydka safiirkii dalka ee Suudaanta Koonfureed oo la soo qaaday

Waxaa dalka la keenay meydka safiirkii Kenya ku matalayay Suudaanta Koonfureed ,Chris Karumbu Mburu oo dhawaan geeriyooday.
Meydka ayaa laga soo dejiyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi halkaas oo ay ku sugnaayeen wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda, Raychelle Omamo, xoghayaha wasaaradaas ,Macharia Kamau iyo xubno ka mid ah qoyska Mburu.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaadday inay heshay warbixino tilmaamaya in danjiraha uu u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha oo saameeyay habeenkii ay Axadda soo galaysay.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Macharia Kamau ayaa qoyska uu ka baxay safiirka u sheegay in Kenya ay murugo la soo daristay.
Mr. Mburu ayuu ku ammanay inuu ahaa mas’uul si daacadnimo iyo dadaal ay ku dheehan tahay dowladda ugu shaqeynayay in ka badan 30 sano.
Danjiraha geeriyooday ayaa horay u soo noqday agaasimaha waaxda sirdoonka dalka ee NIS .
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shalay tacsi u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu safiirka ka baxay.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha wadanka uu safiirka ku tilmaamay mas’uul ay ka go’oneyd u adeegidda shacabka iyo ka shaqeynta danaha dalka isla markaana uu isku soo dhaweeyay xiriirka Kenya iyo Koonfurta Suudaan sidaas awgeedna la tabi doono waxyaabihii uu wadanka u soo qabtay.
Mr. Kenyatta ayaa qoyska uu ka baxay mas’uulkan u sheegay inay murugada la qeybsadaan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xilka danjiraha Kenya ee Suudaanta Koonfureed u magacaabay bishii Luulyo ee sannadkii 2018-kii kaddib is baddelo uu ku sameeyay arrimaha diblomaasiyada.
Waxaa uu 11-kii bishan ka soo qeyb galay xuskii qaran ee loo sameeyay madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi isagoo uu wehelinayo madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here