Meydka safiirkii Shiinaha ee Israa’iil oo laga helay guri ku yaalla Tel Aviv

Safiirkii dalka Shiinaha u fadhiyay Israa’iil ayaa isaga oo meyd ah laga helay gurigiisa ku yalla magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil.
Waxaana ila iyo haatan la ogeyn sababta ka dambeysa dhimashadiisa.
Mr Du Wei oo ay da’adiisu ahayd 58 sano jir ayaa loo magaacabay safiirka dalkaasi bishii Febraayo ee sannadkan
Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in ay goobta ku sugan yihiin si ay baritaano u sameeyaan.
Telefishanka kanaal12 ee Isra’iil, oo soo xiganaya saraakiisha bixiya adeegyada degdegga ee caafimaadka ayaa sheegay inay jiraan astaamo muujinaya in Mr Du uu geeriyooday isagoo hurda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here