Michael Joseph oo si ku meel gaar ah loogu magacaabay madaxa fulinta ee Safaricom

Kaddib markii shalay uu geeriyooday madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Bob Collymore oo maanta la aasay ayaa waxaa xilkii uu hayay si ku meel gaar ah loogu magacaabay Michael Joseph.
Bayaan ay Safaricom soo saartay maanta ayaa lagu xajiiyay in Mr. Joseph oo horay u soo noqday madaxa fulinta ee shirkadaasi uu mar kale si ku meel gaar ah u sii hayn doono.
Mas’uulkan ayaa sido kale ah guddoomiyaha guddiga shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways.
Kulan gaar ah oo uu yeeshay guddiga maamulo Safaricom ayaa laga soo saaray go’aanka mar kale lagu magacaabayo Mr. Joseph.
Xoghayaha shirkadda Safaricom Kathryne Maundu ayaa bayaanka ku sheegtay inay raja weyn ka qabaan in Mr. Michael Joseph oo aqoon iyo waaya aragnimo xeel dheer leh uu sii wado shaqadii Bob Collymore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here