Mid ka mid ah dadkii maalmo ka hor dhac ka gaystay islii oo la qabtay

Waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xalay gacanta lagu dhigay Simon Mwaniki oo ah sarkaal ka howlgalo saldhigga booliska ee xaafadda Kayole ee magaalatani Nairobi.
Askarigan ayaa la raadinayay tan iyo markii habeenimadii ay sabtida soo galeysay ee toddobaadkii hore fal dhac ah laga gaystay loojka Barwaaqo ee wadada 8-aad ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji.
Mr. Mwaniki ayaa laga soo qabtay Kahawa West kaddibna waxaa uu ciidamada geeyay laba guri oo ku kala yaalla isgoyska Kayole Junction iyo xaafadda Hurlingham halkaasi oo laga helay lacago faalis ah oo 29,000 oo shilin iyo 8,800 oo doolar.
Saraakiisha ammaanka ayaa sido kale gacanta ku dhigay Kelvin Marangu oo ka howlgalo Kasarani iyo Martin Kithinji oo qof shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here