Mid ka mid ah dhaawacyadii Turkiga loo qaaday oo Geeriyooday.

Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga ayaa Xalay la geeyey 16 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee khasaaraha badan ay ka dhasheen oo Maalinkii Sabtiga ka dhacay Isgoyska ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho.
Dhaawacaydaan oo ahaa kuwa ugu liitay dadka dhaawacmay islamarkaana aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin ayaa waxaa loo qeybiyey Saddex Isbitaal oo ku yaalla Magaalada Ankara si loogu daaweeyo,hayeeshee waxaa wararka la helayo ay sheegayaan in haweeney kamid aheyd dadka dhawaca ah ay dalka Turkiga ku geeriyootay.
Dad ku sugan magaalada Ankara ayaa warbaahinta waxaay u sheegeen in markii dhaawacyada laga dejiyey Diyaarada ay goobta ku geeriyootay Aamino Cumaan Kheyre oo dhaawaceeda uu ad u cuslaa,taasoo la filayo in Saacadaha soo socda lagu Aaso magaalada Ankara.
Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Diyaarada dhaawacyada ka qaaday muqdisho ay ka degtay garoonka ciidamada Millateriga turkiga ay Magaalada Ankara ku leeyihiin,isla markaana dhaawacyada la geeyey Saddex Isbitaal oo ku yaalla halkaas,waxaana dhaawacyada soo dhaweeyey oo kaalin ka geysanaya sidii ay daawo ku filan u heli lahaayeen Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkaas iyo Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here