Mid ka mid ah hoggaamiyaasha dibadbaxyada Thailand oo xabsiga laga siidaayay

Waxaa xabsiga laga siidaayay mid ka mid ah dadkii horkacayay dibadbaxyo ka dhacay wadanka Thailand oo shalay gacanta lagu dhigay.
Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Patsaravalee Tanakitvibulpon waxaana lagu eedeyay inaysan u hoggaansamin amarkii lagu mamnuucay in dad ka badan 5 qof ay hal meel isugu tagaan.
Patsaravalee oo ay da’deedu tahay 25 sano ayaa warbaahinta u sheegtay in maxkamadda aysan u soo bixin in waxyaabaha lagu soo eedeyay ay yihiin kuwo khatar dhanka amniga ah keeni karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here