Mid ka mid ah shanti qof ee qabo cudurka COVID-19 oo qaada xanunada maskaxda

Warbixin lagu daabacay joornaalka The Lancet ayaa lagu sheegay in qaAr badan oo kamid ah dadka ka badbadaay cudurka COVID-19 ay u muqdaan kuwo halis sare ugu jira xanunada maskaxda.
Waxaa darasaadka laga soo saaray warbixintan lagu ogaaday in 20 bqolkiiba bukanada cudurka uu ku dhacay ay qaadi karaan xanunada dhimirka 90 cisho gudahood.
Walaaca, niyad jabka iyo hurdo la’aanta ayaa inta badan ah kuwa ugu badan ee ay la kulman bukanada ka boogsaday cudurka COVID-19 kuwaas oo ku sababa dhibaatoyin dhanka cafimaadka maskaxda ah .
Cilmi baarayaasha ayaa sidoo kale ogaaday khatar kale oo ah mid aad u sarreyso oo ayna la kulmi karaan bukanada kuwaas oo ah waalida iyo xaalad naafanimo oo ku timaado maskaxda.
Paul Harrison, oo ah barofesoor ku takhasusay cilmu-nafsiga ee Jaamacadda Oxford ee Britain, ayaa sheegay in dadku ay ka walwalsanaayeen ka badbaadiida cudurka, saameeyntisa ayna taasi sabaabtay halis badan oo ay ugu jiraan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda.
Waxaa uu sheegay in dhakhaatiirta iyo saynisyahannada dunida oo idil ay si deg deg ah ugu baahan yihiin inay baaraan sababaha ayna aqoonsadaan daaweynta cusub ee xanunada dhimirka marka u dhamaado COVID-19, sido kalana shaqalaha caafimaadka u diyaar garoobaan bixinta adeegyada daryeelka maadaama natijada arrinkan ay u badan tahay in la dhayalsan karo.
Darasaadkan ayaa lagu saleeyay qiimeynta macluumaad dhanka caafimaadka ee 69 milyan oo qof oo ku nool Maraykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here