Mid ka mid ah waalidiinta Mandera oo cabasho ka muujiyay deeq waxbarasho oo la bixiyay

Iyadoo dowladda ismaamulka Mandera ay deeq waxbarasho siisay 15 gabdhood oo natiijada imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da sannadkii hore ka galay kaalimaha ugu horreeya ayaa waxaa ay hadda cabasho ka soo yeeraysa mid ka mid ah waalidiinta.
Waxaa uu aabahan ku doodaya in musuqmaasuq uu dhacay oo gabadhiisa si xaq darro ah looga tagay isagoo caddaalad dalbaday.

23-kii bishan sagalaad ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga uu ku sheegay in 15 gabdhood oo uu maamulkiisa siiyay deeq waxbarasho loo dirayo dalka Turkiga.
Mr. Roba ayaa xilligaasi xusay in gabdhahan ay dhawaan safar galayaan si ay halkaasi uga soo bartaan culuun ay ka mid tahay caafimaadka, injineernimada iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha Mandera ayaa xusay in deeqda waxbarasho oo ah mid dhameystiran ay ka mid tahay waxyaabaha maamulkiisa uu doonayo inuu dadweynaha uga tago marka uu talada wareejiyo.
Cali Roba ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaalayo sidii gabdho badan ay fursad ugu heli lahayeen inay bartaan culuunta ay ragga u badan yihiin.
Barasaabka ayaa dhanka kale ardaydan kula dardaarmay inay fursaddan ka faaiidaystaan oo ayna waxbarashada kaddib dib ugu soo laabtaan ismaamulka si ay bulshada ugu adeegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here