Mid ka mid ah wadayaasha takaasida Probox oo 13 bilood xabsi ku jiraya

Maxkamad ku taalla deegaanka Rongo ee ismaamulka Migori ayaa xabsi 13 bilood ah ku xukuntay mid ka mid ah wadayaasha baabuurta takaasida nooca loo yaqaano Probox.
Waxaa sido kale loo bandhigay in taasi beddelkeeda uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 67,000 oo shilin.
Xukunka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii darawalka lagu caddeeyay inuu gaarigiisa ku qaaday tiro rakaab ah oo ka badan intii loogu tala galay.
Mr.Daniel Nyamau oo ka soo hormuuqday garsoore Raymond Langat ayaa sido kale lagu soo oogay dacwad ah inuu baabuur kaxeynayay iyadoo uu ka dhacay ama u shaqeynaynin leesinka.
Eedeysanaha ayaa haysta muddo 14 maalmood ah oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka lagu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here